Ku saabsan Goobaal

Innagu Saabsan

Si ay gacan uga geysato xaqiijinta yoolka la higsanayo ee ah in shaqo lagu qanci karo ay helaan dhammaan haweenka iyo ragga iyo si loo xaqiijiyo Yoolalka Horumarka Waara / the Sustainale Development Goals (SDG), ayaa Ururka Shaqaalaha Adduunka/International Labour Organization (ILO) waxaa uu fulinayaa Mashruuca Iskaashiga maamulka iyo Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay/the Public-Private Development Partnership (PPDP) ee Tababarka Xirfadaha Tamarta Dib-loo-cusbooneysiin karo iyo Awood-siinta Dhaqaale ee Haweenka ee Soomaaliya oo ay maalgelisey Hay’adda Caalamiga ah ee Iskaashiga Horumarinta ee Sweden / Swedish International Development Cooperation Agency (SIDA).

Qaybta Awood-siinta Dhaqaale ee Haweenka/the Women’s Economic Empowerment (WEE) ee ka mid ah mashruuca PPDP waxaa ay higsaneysaa in ganacsiyada kobca ee haweenku ay leeyihiin ay u saamaxaydo in ay ballaartaan waxaana marka ay sidaa sameyneyso, ay abuureysaa shaqooyin, sii wanaajineysaa qiimaha iyo wax-soo-saarka hawgalladooda waxaana ay qayb ka ahaaneysaa koboca bulsho-dhaqaale ee Soomaaliya.

Ganacsiyada haweenku leeyihiin/hoggaamiyaan ee ay muuqashadoodu yar tahay, ayaa marka laga soo tago faa’iidooyin kale oo ay u leedahay, muuqashadooda lagu sii wanaajin karaa agabyo suuq-geynta istiraatiijiga ah sida diiwaannada cinwaannada ganacsiyadu ku qoran yihiin. Qaar badan oo ka mid ah ganacsiyada haweenku leeyihiin ayaan joogitaan ku lahayn internet-ka. Haweenka ganacsiyada leh ayaa halkaa ku weynaya fursad lagu baran lahaa oo ay suuq ku heli lahaayeen oo waxaa ay ku guul-dareysanayaan in ay gaaraan macaamiisha oo si isa sii tareysa internetka uga goobaya macluumaad iyo badeecooyin. Diiwaan internet-ka ku jira oo ay ku qoran yihiin cinwaannada ganacsiyada ayaa wax looga qaban karaa nusqaanta kaga timid in aaney joogitaan ku lahayn internet-ka. Iyada oo xaaladdu sidaa tahay, ayaa fikirka ah in la abuuro suuq ku shaqeeya internet-ka ama diiwaanka loogu wanqaley Goobaal uu dhashey. Goobaal Online waa diiwaan ay ku qoran yihiin cinwaanada ganacsiyada oo fududeeya in la helo oo waxna laga iibsado ganacisada ay leeyihiin haweenka. Diiwaanku waxaa uu ka kooban yahay qoraallo sharaxaad ka bixinaya ganacsiyada. Qoraalladan faahfaahsan ayaa ganacsiyada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed u saamaxay in ay joogitaan ku yeeshaan internet-ka iyaga oo aan u baahan in ay sameystaan bar internet. Qoraallada ganacisyada waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo macaamiisha gacan ka siinaya in ay helaan ganacsiyada ay goobayaan iyaga oo ka dhex raadinaya diiwaan ay fududdahay in wax laga dhex baaro.

Diiwaanka Goobaal Online Directory waxaa uu ka dhashey baahi loo qabey in la sii wanaajiyo muuqashada iyo joogitaan ku lahaanshaha internet-ka ee ganacsiyada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. Si ku saleysan baahidan, ayaa Goobaal Online ay isku dayeysaa in ay ganacsiyada iyo macamiiishooda u fududeyso in midba midka kale uu helo iyada oo taas loo marayo madal fudud oo hufan, taas oo keeneysa in labada dhinacba ay helaan wixii ay rabeen.

Goobaal waxaa iska kaashanaya SIDA (oo deeq-bixiyaha ah), ILO (Diyaariyeyaasha) iyo SCCI (Milkiilayaashaiyo/ama maamulayaasha).

image

La-hawlgalayaasheenna