Su'aalaha Soo Noqnoqda

  • Muxuu Yahay Goobaal Online?

    Goobaal Online waa diiwaan ganacsi oo internet-ka ku jira oo ganacsiyada haweenku leeyihiin ee Soomaaliya ka jira ay ku gaaraan macaamiisha raadinaya badeecooyin ama adeegyo ay hayaan ganacsiyada.

  • Muxuu Goobaal Online u soo kordhinayaa ganacsigeyga?

    Goobaal Online waxaa loogu talogaley in uu ganacsiyada awood u siiyo in ay badeecooyinkooda iyo adeegyadooda si wanaagsan ay iidheh ugaga sameeyaan intetnet-ka. Ganacsiyada ayaa diiwaanka gelinaya tilmaamaha adeegyadooda, halka uu ku yaallo, iyo macluumaadka sida loola soo xiriiri karo. Marka uu iska diiwaangeliyo Goobaal Online, ayaa ganacsigu waxaa u fududaanaya in uu ka dhex muuqdo internet-ka. Intaa waxaa dheer, isticmaalayaasha ayaa halkaa ku qori kara faallooyinkooda la xiriira tayada adeegga ay heleen, taas oo macaamiisha mustaqbalka u fududeyneysa in ay xushaan ganacsiga ay wax ka iibsadaan.

  • Sidee ayaan ganacsigeyga uga diiwaangelin karaa Goobaal Online?

    Geeddi-socodka is-diiwaangelinta ayaan ka dhigney mid intii suuragal ah fudud. Waxa keliya ee ganacsiga looga baahan yahay ayaa ah in uu qof ay sharikaddu soo magacowdey uu qoraal sharxaya astaanta ganacisga (profile) uu ka dhex sameeyo Goobaal. Marka la sameeyo qoraalkan tilmaamaya ganacsiga ayaa waxaa uu ganacisigu awood u yeelanayaa in uu abuuro diiwanagelin ganacsi isaga oo buuxbuuxinaya foomka diiwaangelinta ganacsiga oo ku hoos jira badhanka “soo gudbi diiwaanka” ee geesta midig ee ugu sarreysa diiwaanka.

  • Sidee ayaan ugu diiwaan galiyaa Ganacsigayga Goobaal?

    Tag bogga hore ee hagaha, dhinaca kore ee midigta, guji dir diiwaangalintaada, kadibna raac tilmaahaha kusoo soo baxa.

  • Sideen ku galaa akoonkayga?

    Si aad ugu soo gasho xubinnimadaada, booqo www.goobaal.soMaraa Guji Gal Qayba kore, dhanka midig ee shaashaddaada. Guji Gal Geli cinwaanka emailkaaga iyo lambarkaaga sirta ah

    Haddii aad dhibaato kala kulantid, sidii aad ku geli lahayd, waxaan diyaar unahay inaan ku caawino, anagoo kaa raali galinayna dhinka aad la kulantay. Fadlan isticmaal tilmaamaha hoose

    Ma soo gali karo sababtoo ah:

    • Waxaan illaaway number kayga sirta ah ama cinwaanka E-mail kayga
    • Ku noqo bogga hore oo guji calaamada gal, waxaa jira dookh ah “waxaan ilaaway passpord kayga, Guji oo raac tilmaamaha. Haddii aadan naga helin emayl soo-kabashada erayga sirta ah 5 illaa 10 daqiiqo gudahood, fadlan hubi faylkaaga spam. Hadii aadan naga helin Email wata sida lagu soo ceshado email ka 5 ilaa 10 daqiiqo, fadlan E-mail folder ka spam ka ee E-mail kaaga.
    • Ciwaan E-mail oo khaldan. Hadii aad xasuusan waydid, ciwaanka email ka iyo lamber kaaga sirta ah, fadlan soo gudbi codsigaaga adoo isticmaalaya Nala soo xariir Boga

  • Sideen u badali karaa astaanteyda?

    1. Tag bogga hore ee hagaha oo gal
    2. Guji dashboardka ee ku yaal liiska kore
    3. Guji qaybta kore ee bidix da ee muuqaalkeyga
    4. Guji waxkabadal

  • Sidee loo cusbooneysiiyaa liistada ganacsigeyga?

    1. Tag bogga hore ee hagaha oo gal
    2. Guji dashboardka ku yaal qaybta hore ee liiska
    3. Guji oo waxkabadal ama cusboonaysii liiska ganacsigaaga

  • Sideen ugu dari karaa ganacsi cusub boggeyga horey u diiwaangashanaa?

    1. Tag bogga hore ee hagaha, guji calamada gal
    2. Gali aqoonsigaaga
    3. Guji dashboard ka
    4. Dashboard ka hoostiisa guji liiska
    5. Dhinaca midig, guji abuur bog Cusub

  • Waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka beddelo liiska akoonkayga; sideen ayaan u sameyn karaa?

    1. Tag bogga hore ee hagaha, guji calamada gal
    2. Gali aqoonsigaaga
    3. Guji dashboard ka
    4. Dashboard ka hoostiisa guji liistaska
    5. Cusboonaysii macluumaadka liistada aad rabto inaad baddasho

  • Ma xiri karaa akoonkayga markii aan doono iyada oo aanan la iganaaxayn?

    Haa! Si ka duwan sida inta badan kaydadka kale Goobaal Online malahan wax dan gaar ah oo ay ka leedahay isticmaalaha. Waxaan ku kalsoonahay qiimaha aan siino milkiileyaasha ganacsiyada waana taas sababta aadan ugu jirin qandaraas. Ma jiraan wax lacag ah oo laxiriira inaad ka mid noqotid Goobaal Online. Dhamaan addegyada iyo macluumaadka kale ee bixiso Goobaal Online waxaa bilaash.

  • Ma doonaysid, in Ganacsigaagu kasoo mid ahaado Goobaal Online

    Haddii lacala aad doontid in Ganacsigagu uu kasii mid ahaado liiska Goobaal Online, waxaad haysataa dookha ah, inaad xirto akoonkaaga dashboard ka. Hadii aadan awoodin in aad akoonkaaga xirto, email noogu soo dir support@goobaalonline.so Oo noo soo sheeg sababta aad u rabto in laxiro ama la tirtiro akoonkaga. Markaas ayaa la fulinayaa codsigaaga mudo ah 72 saac gudohood.

  • Waxaan helaa macaamiil cusub oo naloo soo gudbiyo, ama erey-af-ah, ama suuqgaynta kore. Maxaan Ganacsigayga ugu daraa liiska Goobaal Online?

    Kasakow macaamiisha aad kuheshaan ereyga-af-ah ama xayeysiinta caadiga ah, hadana in aad Ganacsigaaga Goobaal Online ka diiwaangalisid, waxa ay kor uqaadi kartaa suuqgayanta Ganacsigaaga, iyo meesha uu gaari karo. Dhamaan tasiilaadkaan waxaa laguugu samaynayaa lacag la’an, iyada oo ay kuugu kicilahayd lacag badan oo aad xayisiin ku qarash gareyn lahaa. Goobaal Online waxa kale oo aad u isticmaali martaa inaad la socoto xaaladaha Ganacsigaaga oo faah-faahsan taasoo kaa caawin karta in ay kor uqaato Ganacsigaaga.

  • Maxay muhiim u tahay in ganacsigeyga in lagu qiimeeyo Goobaal Online

    Qiimeynta ganacsigu waxay usuurta-galinaysaa macaamiisha cususb inay wax badan ka ogaadaan adeegyada uu ganacsigu bixiyo, iyo weliba tayada adeegyadaas. Qiimeynta wanaagsan waxay soo jiidanaysaa macaamiisha, waxa ayna kor uqaadeysaa ganacsiga iyo kalsoonida macaamiishu ku qabto, taasoo sababi karta in sidii hore si kale kabadan wax looga iibsado.

  • Sidee loo qiimeeyaa adeeg bixiyeyaasha

    Qiimaynta lagu sameeyo adeeg bixiyayaasha waxaa la sameeyaa marka qof ama koox macaamiisha ka mid ah uu soo gudbiyo jawaab celin ku saabsan tayada adeegyada. Adeeg bixiyayaashu ma tirtiri karaan Jawaab ccelinta laga soo gudbiyey, mana fiirin karaan. Kaliya Goobaal Online macaamiishooda ayaa awood uleh inay arkaan, isbadelna kusameeyaan jawaabcelinta qiimaynta shirka.

  • Waa maxay siyaasada Faallooyinka Goobaal Online?

    Waxaan soo dhaweyneynaa faallooyinka iyo isdhaxgalka qadka tooska ah ee Goobaal Online waana dhiiri galineynaa doodaha dhacaya. Si kastaba ha noqotee, faallooyinka iyo su'aalaha kuma xirna nidaamka hubinta isla dib u eegista xubnaheenna. Fikradaha lagu muujiyey faallooyinka waa kuwii saxda ahaa ee qoraha, mana ahan fakarka Goobaal Online Directory.

    Waxaan aad ugu talineynaa inaadan ka tagin macluumaad khaas ah sida lambarka taleefanka ama ciwaanka E-mail marka aad qorayso faalo, ama aad dib-u-eegis sameysansid.

    Fadlan si gaar ah uga hadal mawduuca aad qoreyso ama ka faaloonayso. Waxay kasoo horjeedaa sharciga Goobaal Online in lagu qoro macluumaad shakhsiyan ah, oo ku saabsan ganacsi gaar ah ama adeeg gaar ah. Hadii lacala dhacdo noocaan oo kale ah ay dhacdo, qoraalada ama faaladaas Gobaal Online ayaa si deg deg ah uga saaraya.

    Fadlan si naxariis iyo xushmad leh, u qor qoraalka ama faalada aad reebayso. Waxaa mamnuuc ah inaad qortid qoraal ama faalo laga dheehan karo nacayb, af-lagaado, weerar, edeb-daro, sumcad-dilid, iyo dulaalnimo.

    Xadgudub kasta oo lagu sameeyo sharcigaan, waxaa ka dhalan kara in lagala noqdo ogolaanshaha uu kusoo galayo Goobaal online directory.

  • Ma heli karo ganacsi gaar ah oo aan raadinayo?

    Goobaal Online waxay kuu suurtagalinaysaa inaad ka baartid Ganacsiyo iyo addegyo adigoo isticmaalaya magacooda, goobta ay ku yaalaan iyo noocyada adeegyada ay bixiyaan. Haddii aad raadineyso ganacsi gaar ah oo aad heli wayso, hubi inaad isticmaashay magaca iyo goobta ganacsiga oo sax ah.
  • Ma ka arki karaa liiska Goobal Online meesha ganacsigu ku yaal.

    Isticmaalayaasha Goobaal Online waxa ay si fudud ugu darsan karaan mab ka goobta canacsiga, xiliga ay isdiiwaan galinayaan. Tani waxay gacan kagaysanaysaa helitaanka goobta saxda ah ee Ganacsigaagu ku yaal, taasoo u sahlaysa in bulshada guud ay si fudud uhelikaraan goobta ganacsigaaga.

  • Ma kala xiriiri karaa ganacsi bogaggooda warbaahinta bulshada

    Goobaal Online waxay u oggolaaneysaa ganacsiyada inay ku darsadaan xiriirka warbaahinta bulshada, sida Facebook, Instagram, LinkedIn, YouTube iyo Twitter. Waxa aad ka daalacan kartaa bogaaga warbaahinta bulshada liiska Ganacsiga Waad awoodi kartaa inaad gasho boggaga warbaahinta bulshada adoo dhex mushaaxaya liis gareeyn ganacsi oo aad gujineysid xiriiriyeyaasha warbaahinta bulshada ee barxadda warbaahinta bulshada ee aad xiiseyneyso. Iyadoo lagu saleynayo baahiyaha ganacsiga, iyo jawaabaha ama fariimaha kasoo laabta isticmaalayaasha ayey Goobaal Online ku dari kartaa ama ka saari kartaa xiriirka baraha bulshada.

  • Gobaal online ma kaheli karaa lamber ka telefonka Gansiga aan daneeynayo

    Ganacsiyadu waxay ku darsan karaan nambarada taleefannada ee ganacsigooda ka diiwan gashan Goobaal Online. Marka aad soo gasho Gobaal Onlne baar, ganacsiga aad rabto inaad la xiriirto. Qaybta xiriirka hoosteeda dhanka midig ayaad ka helaysaa namber ka telefanka.
  • Macluumaad noocee ah oo kusaabsan Ganacsiga ayaan ka heli karaa Goobaal Online

    Waxaad ka arki kartaa 'katalogga sawirrada', faah-faahin ku saabsan ganacsiga, alaabta iyo adeegyada ay bixiyaan, macluumaadkooda xiriir, saacadaha shaqada, xiriiriyeyaasha warbaahinta bulshada, iyo khariiddada goobta ganacsiga.